Qaar ka mid ah wadamada sadexaad koox shaqsiyaad ama hay’ado ah ayaa ka caawin kara kafaala qaadida qaxootiga si ay si sharci ah ugu safraan wadankaas. Tusaalaha doorashadan waa barnaamijka kafaalaqaadka gaarka ah ee Kanada oo muddo dheer la yagleelay. Shuruudaha doorashadani way ku kala duwan yihiin waddan ilaa waddan. Sidaa darteed, waxaad u baahan tahay inaad hubiso shuruudaha ka hor inta aadan tixgelin doorashada. Waxaad macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka kafaalaqaadka ka heli kartaa: https://refugeesponsorship.org/
Haddii aad tahay magangalyo doon oo aad rabto inaad codsato warqadda go’aaminta xaaladda qaxootiga (RSD) ee codsigaaga kafaala-qaadka gaarka ah, waxaad la xidhiidhi kartaa UNHCR si aad taas u codsato – eeg qaybta go’aaminta xaaladda qaxootiga- see Refugee Status Determination section