Fursado lasiinayo ururada ay hogaaminayaan dadka barakacayasha ah iyo kuwo aan wadan dhalasho ka haysan

Hordhac:

UNHCR waxay soo bandhigtay heshiisyo deeqo cusub oo noo ogolaanaya inaan la macaamilno hay’adaha ay hogaaminayaan dadka barokacayaasha ah iyo kuwa aan wadan dhalasho ka haysan ee ku sugan Indonesia si in aan noqono shuraako. Deeqahaan cusub ayaa ujeedadoodu tahay in la abuuro hannaan fudud oo lagu siin karo taageero maaliyadeed hay’adahan si ay uga caawiso xaqiijinta mashaariicdooda iyo dhisidda awooddooda; waxay sidoo kale noo ogolaan doontaa inaan si toos ah ula shaqeyno dadka aan u adeegno annaga oo aan isticmaalin dhexdhexaadiye. 

Yaa codsan kara deeqda?

Heshiisyada deequhu waxay beegsan doonaan hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn, kuwa sal-dhigooda yahay hawlaha ku salaysan dadaallada iskaa wax u qabso sido kale sameeya u- doodista, ilaalinta iyo adeegyada gargaarka ee heer bulshado. Hay’adaha waa in ay noqdaan kuwo gebi ahaanba ay aasaaseen oo ay hoggaamiyaan qaxooti, ​​magan-galyo-doon, barakacayaal, dadka dib-u- soo laabtay, dadka aan waddan dhalasho ka haysan ama qof kasta oo kale oo ay UNHCR u adeegto. waana in dadkaas kor ku xusan ay ka’ahaadaan in ka badan boqolkiiba 50% qeybaha hoggaanka iyo jagooyinka go’aan qaadashada. 

Shuruudaha sharci ee laga doonayo dadka aan shuraakada la noqonayno si ay ugu qalmaan mashruucaan:

  • Ururka waa in uu  si sharci ah uga diiwaangashan yahay Indonesia. 
  • Ururka wa in  uu ka diiwaan gashan yahay wadan kale sido kalena loo fasaxay in uu ka shaqeeyo Indonesia. 
  • Ururku ma ka diiwaan gashana Indonesia laakiin waxa uu leeyahay xaalad sharci ah oo hoos timaada sharciyada Indonesia oo u oggolaanaysa ururka inuu galo heshiis isaga oo isticmaalaya magaciisa. 
  • Shakhsiga matalaya ururka waxa uu leeyahay sharci Indonesian ah. 

Qadarka deeqda 

Urur kasta oo la doortay wuxuu heli karaa ilaa USD 4,000 deeq/mashruuciiba iyo ilaa USD 12,000 ee saddex deeq/mashruuc kala duwan ee wadarta maalgelinta sannadkii. 

Tirada deeqaha

Urur kasta waxa uu heli karaa ugu badnaan saddex deeq/mashruuc kala duwan sannad maaliyadeedkiiba. 

Bixinta lacagta Deeqaha 

Ururada ay hoggaamiyaan qaxootiga ama shakhsiga booska  muhiimka ah ka jooga ururka waa inuu lahaado xisaab bangi si uu u helo lacagta. 

Sida loo codsado 

Waxaad soo gudbin kartaa soo jeedintaada (foomka waxa ka heli kartaa boggan) qaab kelmad ah [email protected]

Diiwaangelinta Xariirka Iskaashiga ee Qaramada Midoobay 

Si la mid ah la-hawlgalayaasha/shuraakada kale ee ururka, PoC-Partners waxaa looga baahan yahay inay iska diiwaan geliyaan Xariirka Iskaashiga waxayna iska diiwaan gelin karaan qaab CBOs. Ururka danaynaya la shaqaynta UNHCR waxa uu kala xidhiidhi karaa  UNHCR xagga iimaylka [email protected]  in uu galo UN Partner Portal. Intaa ka dib isticmaalaha waxaa lagu hagi doonaa talaabooyin fudud. 

Wixii su’aalo ah, ha ka laba-labeen inaad noogu soo dirto iimaylka [email protected],

fadlan ku qor “Fursado Deeq ee Ururada ay Hoggaamiyaan Qaxootiga (RLOs)” mawduuca iimaylka. 


Dukumeentiyada khuseeya:

POC-Led Organization Grant – Project Proposal Template – June 2021