Search

Ka soo badbaaday jirdil

Mohamed's harrowing experiences

00

Qisada Mohamed

“Waan la wada soconaa dhibaatooyinka ka jira Somalia, waxaa ka jira labo dhibaato oo kala ah, dagaalo iyo aano qabiil,” ayuu yiri Mohamed. “Waxaan u soo baxay labadaan dhibaato, dagaalada iyo qabiilka” ayuu ku daray.

Mohamed waxay da’diisu ahayd 16-sano keliya markii uu soo bilaabay tahriibka Yurub. Isaga oo caawimaad ka helaya muqalasiin ayuu soo galay Ethiopia iyo Sudan oo lagu haayay guri ay muqalasiintu ilaalinayaan. Mohamed iyo dadkii la socday ayaa lagu haystay meel geeri go’an ah, iyadoo loola dhaqmay sida xayawaanka. Looma ogoleyn in ay hadlaan ama ay dhaqdhaqaaq sameeyaan.

“Haddii ay maqlaan codkaaga waa kuu imaanayaan, ka dibna way ku garaacayaan. Waxay ahayd nolol aad u adag.” ayuu yiri.

“Waxaa laguu kaxaynayaa sida xayawaanka. Marka aad soo gasho Sudan waa lagu ilaalinayaa oo waxay ku geynayaan goobo kala duwan,” ayuu ku daray. “Kuwa qeyliya baabuurka ayaa laga tuuraa ama waa la dilaa. Nolosha tahriibku waa sidaa.”

Safarka Mohamed ayaa sii xumaaday markii uu soo galay saxaraha laga cabsado ee u dhexeeya Sudan iyo Libya. Labaatankii maalmood ee uu saxaraha ku xirnaa waxa uu marqaati u noqday tacadiyo badan isaga oo aan is oran nolol ayuu halkaasi ku dhaafi doonaa.

“Qaar ka mid ah wiilashii nala socday ayaa dhagax lagu dilay,” ayuu yiri. “Waxay waydiisteen biyo oo keliya. Wax kale ma waydiisan. Cunto ma aysan haysan. Dhowr maalmood ayay qatanaayeen markii ay biyo waydiisteen dhagax ayaa lagu dilay.”

Mohamed hal sano ayuu Libya ku sugnaa isagoo dhowr jeer xabsiga la dhigay halkaasoo lagu jirdilay mararka qaarna adoon ahaan loogu shaqeystay.

“Inta badan Soomaalida ma aysan haysan kharaabo lacag u soo dirta,” ayuu yiri Mohamed. “Xabsi ayaa la dhigaa, waa la garaacaa, qaar ayaa loo isticmaalaa adoon ahaan oo waa lagu shaqaystaa.”

“Marka aad soo dhaafto saxaraha oo aad soo gasho Libya ayaad galaysaa nolol adag,” ayuu xasuustaa. “Waxaad arkaysaa dhimasho oo keliya. Dhimasho.”

Daawo Mohamed oo ka paramaya tahriibka

Markii la qaaday wareysigaan, Mohamed waxa uu ku noolaa Vienna, Austria halkaasoo sharci laga siiyay. Intuu tahriibka ku jiray ayuu go’ay xiriirkii uu la’lahaa qoyskiisa kuwaasoo u guuray gobol kale oo Somalia ka tirsan.

Taariikhda wareysiga: 9 July 2015  |  Taariikhda la badalay: 15 April 2016  |
Wareysi qaade: Fuad Muhamed Sharif  |  Qoraaga: Christa Awuor Odinga  |  Muuqaal soo saaraha: Max-Michel Kolijn