Qisada Khatar
Waa maalin ay qoraxdu kulushahay, waxaan ku suganahay magaalada Rome iyadoo uu Khadar fadhiyo jardiin isaga oo dhoolacadaynaya.
Khadar waxa uu Somalia ka soo tagay 2008 isagoo doonayay in uu gaaro UK. Waalidkiis way ka soo horjeedeen tahriibka balse wuu ku adkaystay iyagoo ugu dambeyntii ogolaasho siiyay. Isagoo ay soo jiidatay sawirada asxaabtiisa ay internetka soo galiyeen oo muujinaysa nolol wanaagsan.
“Qofkasta waxa uu doonayay in uu soo tahriibo” ayuu yiri Khadar. “Waxaad internetka ku arkaysaa dad dhahaya waxaan haysanaa nolol fiican, guri fiican, waxaa shaqeeyaa, qofkaas baabuur fiican ayuu leeyahay…”
Daawo Khadar oo ka waramaya go’aankii uu uga soo baxay Somalia
Khadar waxa uu safarkiisa ku soo maray Ethiopia, Sudan iyo Libya kaasoo qaatay 2 bilood iyo 15 maalmood. Intii uu safarka ku jiray waalidkiisa aad ayay uga walwalsanaayeen xaaladiisa kuwaasoo xitaa lacag u soo deyntay si ay muqalasiinta u siiyaan. Safarka tahriibka ayaa waxaa ku baxday qarash gaaraya 4000 dollar.
“Markasta oo aan maqlo codka hooyaday iyo waalidkay waan murugoonayay, waayo waxaan dareemayay in aan ahay sababta ay u dhibaatoonayso” ayuu yiri. “Waxay igu ahayd dhibaato, maadaama aan ogaa in waalidkay ay u dhibaatoonayaan aniga dartay.”
Daawo Khadar oo ka waramaya dhibaatooyinkii uu la kulmay
Nasiib daro Khadar kuma guuleysan riyadii ahayd in uu tago UK. Markii uu soo gaaray Lampedusa ka dib 36 saacadood oo uu badda ku jiray, ayaa Khadar iyo dadkii la socday laga qaaday faraha iyagoo lagu qasbay in ay Talyaaniga magangalyo waydiistaan. Markii uu sharciga helay ayaa la siidaayay si uu isku dabaro. Waxa uu isku dayay in uu magangalyo ka dalbado UK, Sweden, Norway iyo Holland balse kuma guuleysan. In uu Talyaaniga ku laabto ayaa noqotay wadada keliya. Isaga oo aan cunto iyo guri midna haysan ayuu Khatar darbi jiif noqday.
“Ma aanan haysan guri iyo cunto. Waxba ma aanan haysan. Balse waa laga gudbayaa waxay ku xirantahay kartidaada iyo in aadan ahayn mid isdhiiba,” ayuu yiri.
“Waan la qabsaday nolosha, balse waxaan ka soo bilaabay waxba, si ka duwan wadankii hooyo,” ayuu yiri. “Waxaan u shaqeeyay si xoogan si aan u helo mushaar fiican.”
Daawo Khadar oo ka waramaya nolosha Yurub