Qisada Abdisalan
“Qofkasta go’aankiisa isaga ayaa iska leh” ayuu yiri Abdisalan. “Haddii aad qof ku dhahdo kani waa dab kana waa biyo, oo uu dabka doorto waa go’aankiisa.”
Abdisalan waxa uu noqday mid kala dooranaya labo dabb markii uu Somalia ku noolaa. Dagaal ayaa ka qarxay deegaankiisa iyadoo aabihiis ay hortiisa ku dileen maleeshiyaadka Al-shabaab. Isaga oo aan aqoon meel uu aado, ayuu go’aansaday in uu isaga soo cararo Somalia inkastoo uu ogaa khataraha uu kala kulmi karo tahriibka.
Daawo Abdisalan oo ka waramaya noloshii Somalia iyo sababta uu uga soo tahriibay
Isaga oo aan wax lacag ah haysan isla markaana aan lahayn qoys caawinaya, ayuu Abdisalan ka soo baxay Somalia isaga oo ka cabsanaya in Al-shabaab ay qasab askari uga dhigaan.
“Haddii aad dhahdo waan baxayaa, waxay kugu qasbayaan in aad joogto oo askari ayay kaa dhigayaan” ayuu yiri. “Waxaan dadka ka qariyay go’aankayga.”
Intii uu tahriibka ku jiray ayuu xiriir la sameeyay asxaabtiisa isaga oo ka codsaday in ay lacag u soo diraan balse uma sheegin ujeedada.
Markii uu ka soo baxay Somalia, ayuu Abdisalan soo maray Kenya, Uganda, Koonfurta Sudan oo dagaal ka socdo, Sudan iyo Libya.
Daawo Abdisalan oo ka waramaya safarkii uu soo maray.
Abdisalan ayaa ku rajoweyn in uu ka qeyb qaato tartamada orodka ee caalamiga ah. Maadaama uusan waxbaran shaqana uusan haysan ayaa orodku yahay fursadiisa keliya. Isaga oo ku soo jeeda Belgium ayaa lagu qabtay Germany isagoo lagu qasbay in uu magangalyo dalbado. Riyadiisa orodka ayaa u muuqata mid aan fogeyn haddana aan dhaweyn maadaama uusan aqoon luuqada.
“Ma haysto dharka orodka,” ayuu yiri. “Marka aad dhiiri galin haysato iyo taageero waa ordi kartaa balse markii aan aado tababarka luuqada ma aqaan, sidaa darteed ma helayo tababar fiican.”
“Waxaan aaminsanahay in muhiimadu ay tahay amaanka taasna waan helay,” ayuu ku daray. “Waxaan kale oo rajeynayay in aan shaqeeyo sadex bilood ka dib balse luuqada wadankaan waa adagtahay laakiin dhib ma leh oo luuqada waa baran doonaa maadaama aan halkaan ku noolahay.”
Daawo Abdisalan oo ka waramaya rajadiisa mustaqbalka.
- Mowduucyada:
- Shaqo
- Sharci deganaasho
- Xabad
- Xabsi