Search

Osman ayaa xusuusta dhibaatadii Libya

00

Osman waxa uu ahaa caruur markii uu u soo tahriibay Yurub. Isaga oo gacan ka helaya muqalasiinta ayuu Libya soo galay halkaasi oo uu kula kulmay dhibaatooyin badan.

“Waxay ahayd nolol rajo-la’aan ah oo aan dhamaad lahayn,” ayuu yiri. “Wadada keliya ee looga bixi karo waxay ahayd dhimasho.”

Intii uu Libya ku sugnaa si joogto ah ayaa waxaa u xiray muqalasiinta iyo ciidamada Libya isagoo halkaasi ku arkay sida loo bahdilayay Soomaalida kale oo loo kufsaday.

“Intii aan sugaynay safarka Talyaaniga waxaan ku jirnay xabsi. Noloshu waxay ahayd mid adag,” ayuu yiri. “Gabdhaha qaar ayaa la kufsaday raggana waa la jirdilay. Waxaan muqalasiinta u qabanaynay shaqo adag,” ayuu ku daray.

Osman labo goor ayuu isku dayay in uu doonta soo raaco, mar doontii ay la socdeen waxaa qabtay ciidamada Libya  iyagoo xabsi lagu guray. Markii labaad ayuu Osman isaga iyo qaxooti kale ku guuleysteen in ay Talyaaniga soo galaan halkaasi oo uu uga sii gudbay Sweden.

“Waxaan marnay dhowr wadan inagoo ugu dambeyntii soo galnay Sweden. Waxaan dalbaday magan-galyo aniga oo markii ugu horeysay dareemay naxariis,” ayuu yiri Osman.