Qisada Bashiir
Bashiir waxa uu fadhiyaa goob lagu qaabilo qaxootiga oo ku taala magaalada Berlin, Germany. Isaga oo ay wajigiisa ka muuqato daalka iyo xaalada adag ee uu ku suganyahay. Waa nin dheer 28-sano jir ah balse waxaa muuqata in uu niyad-jabay.
Bashiir waxa uu ku koray magaalada Muqdisho, halkaasoo sanadkii 2008 si qasab ah ay Al-shabaab askari uga dhigeen. Inta badan asxaabtiisa ayaa ku biiray ururka, iyagoo isagana cadaadis ku saaray in uu xubin ka noqdo. Inkastoo uu diiday ayay si qasab ah ku qoreen. Taasi ayaa keentay in xabsiga la dhigay isla markaana uu ka qeyb qaatay dagaalo.
“Waxaan lix bilood ku xirnaa Janaale” ayuu yiri. “Waxaan u shaqayn jiray iyaga. Markii uu deegaanka dagaal ka dhacay ayaan helay fursad aan ku baxsado.”
“Waa mid foolxun in aad adoon ku noqoto wadankaaga,” ayuu yiri Bashiir. “Dagaalka ayaan ku dhaawacmay sida aad ka aragto lugteyda iyo dhabarka.”
Ka dib dhaawaca, Bashiir waxa uu ku laabtay gurigooda. Inkastoo uu dhaawac ahaa ayaysan sidaa uga harin xubnaha Al-shabaab iyagoo si joogto ah cadaadis u saaray aabihiis in uu sheego halka uu ku suganyahay.
Inkastoo qasab ay Al-shabaab ku qorteen ayuu Bashiir bulshada ka noqday mid laga shaki qabo. Dowlada ayaa raadinaysay. Sidaa darteed ayuu ku fikiray in uu Yemen u baxsado.
Daawo Bashiir oo ka warama sidii loogu qasbay in uu Somalia isaga cararo kaasoo noqday safar dheer oo uu wadamo badan ku maray.
“Dadku waa labo nuuc, kuwo kuu sheegaya xaqiiqada nolosha iyo kuwa ku dhahaya waxkasta waa fiicanyihiin ee halkaan imoow.” Ayuu yiri Bashiir isaga oo ka hadlaya taladii uu ka helay asxaabtiisa ku nool qurbaha.
“Waxa uu igu yiri haddii aad soo tahriibayso waxkasta qorshayso,” ayuu yiiri. “Fursada keliya ee aan haysto waxay ahayd tahriib. Waxaan ka cabsaday haddii aan diyaarad raaco in aan dhibaatooyin kale la kulmo.”
Markii uu soo galay Yemen ayuu Bashiir u sii gudbay Sacuudiga. Maadaama uusan aqoonsi wadan ayay ku adkaatay in uu si xor ah ugu noolaado halkaasi, isagoo ku qasbanaaday in uu isaga tago. Waxa uu safar u soo galay Turkiga balse waxaa sadex maalmood lagu xiray Suuriya. Markii uu Turkiga soo galay ayuu lix bilood shaqo ka helay maqaayad. Ka dib ayuu u soo gudbay Giriiga isagoo ka dibna safar ku soo maray dhowr wadan oo kale.
Daawo Bashiir oo ka waramaya safarkiisa
Baahidii uu Bashiir u qabay in uu hello amaan iyo nolol wanaagsan ayaa noqotay mid ka duwan sidii uu filayay. Qiyaastii labo sano iyo bar ayuu Bashiir ku dhumiyay in uu u kala goosho wadamo kala duwan isaga oo caawimaad ka helaya muqalasiin. Markii wareysigaan laga qaaday Bashiir waxa uu ka soo badbaaday labo safar oo qatar ah oo kala ah safarkii Yemen ee badda iyo midkii Giriiga. Isagoo ay intaasi u dheertahay dhowr jeer oo xabsiga la dhigay iyo xerooyin qaxooti oo noloshu liidato.
Balse safarkiisa ayaa wali u muuqda mid aan dhamaan, isaga oo uu hortaaganyahay sharciga qaxootiga ee Yurub u degsan oo laga yaabo in xitaa Somalia dib loogu celiyo. Bashiir ayaa ah mid daalan oo rajeynaya in maalin ay waxkasta hagaagi doonaan.
“Nolosha Yurub waa mid kaftan ah. Waxaan sidaa u leeyahay sharciyada ayaa ka qiimo badan nolosha bani’aadamka,” ayuu yiri. “Waxaan maqlaa in xaakimyadu ay raacayaan sharciga Dublin. Waan xushmaynayaa sharciga wadanka balse ma eegayaan qofka iyo dhibaatooyinka uu soo maray.”
“Waxaan Germany ku amaanayaa sida ay ii soo dhaweeyeen,” ayuu ku daray. “Waxay muujiyeen in ay jidho nolol kale. Waxaan ku faraxsanahay in aan hadda haysto nolol aan cadaadis iyo cabsi lahayn. Laakiin waxaan ka xumahay in aan ka soo tagay reerkayga iyo xaalada aan hadda ku suganahay. Noloshu ma fududa.”
“Waxkasta oo dhacaya waa mid ii qoran, laakiin marnaba ma rajo dhigayo. Waxaan aaminsanahay isbedal.”
- Mowduucyada:
- Burcad
- mistreatment
- Muqalasiin