Search

Qisada Ibraahim Cabdi ee Tahriibka ah

Soo Bandhigidda Xaqiiqada Tahriibka waxay usbuucan idin soo gudbinaysaa qiso uu na la wadaagay inan dhallinyaro ah, Ibrahim Cabdi, 16 jir ah.

Ibraahim wuxuu ku dhashay Jigjiga, Dawlad Degaanka Soomaalida ee Itoobiya. Wuxuu go’aansaday in uu tahriib galo, ujeedadiisu ay tahay in uu helo mustaqbal iftiimayo.

Dhibaato badan ayuu la soo gudboonaatay, Ibraahim, inta uu ku jiray safarkiisa Tahriib ah. Ibraahim wuxuu ka mid ahaa 19 wiil 7 gabdhood oo saxaraha Suudaan iyo Liibya looga tagay muddo dhan laba maalmood, ka dib markii gaariga ay saarnayeen ay la kulmeen gaari kale oo galay shil. Ibraahim iyo asxaabtiisa gaarigooda ayaa laga soo dajiyay si loo daad gureeyo dhaawacyada.

“Marka laba cisho kale ayaan anagu iska sii joognay saxare geed ma lahan waa buuro madmadoow oo gubtay kaliya, markaa halkaas ayaan iska joognay biyihii yaraa naga go’ay. Markuu noo soo noqday [gaariga] wuxuu noo keenay jeerkaan biyo iyo batrool isku dhex jiraan, bihiyii baan cabnay dadku qaar baa ku dawakhsamay”.

Hadda, Cabdi wuxuu ku nool yahay Sweden.