Hamza waxa uu Somalia ka soo baxay isaga oo caruur ah, waxa uu raadinayay amaan iyo nolol wanaagsan. Intii uu ku jiray Tahriibka isaga iyo Soomaalida kale waxaa si xun ula dhaqmay muqalasiinta xaasidiinta ah ee Libya. Waxa uu xasuustaa jirdil, kufsi iyo tacadiyo kale oo loo geystay Soomaalida.
“Waxa ay kugu garaacayaan wax kasta oo ay haystaan,” ayuu yiri Hamza. “Ma ahan kuwo naxariis leh. Xaalada Soomaalida Libya waa mid liidata. Dadku meelkasta ayay ku dhibaataysanyihiin, waxaa loola dhaqmaa si xun oo tacadiyo ayaa loo geystaa.”
Waxa uu marqaati u ahaa dhimasho intii uu tahriibka ku jiray. “Waxaad la qabsanaysaa dhimashada, oo waxaad nacaysaa noloshaada,” ayuu yiri Hamza. “Waxaad ilaahay ka baryaysaa in uu nolosha kaa qaado si degdeg ah.”
Ka dib markii uu doon ka soo raacay Libya oo uu ka soo talaabay Badda Dhexe waxa uu soo galay Talyaaniga. Halkaasi, oo uu shaki ka qaaday dadka kale, isagoo ka baxsaday goobtii lagu hayay, si aan faraha looga qaadin. Waxa uu la kulmay muqalasiin dhamaantood doonaya in ay lacag ka qaataan oo u balan-qaaday in ay Yurubta kale geynayaan. Balse waxa uu xiriir la sameeyay qaraabadiisa ku nool Yurub kuwaasoo kula taliyay in uu tago Roma.
“Marka aad timaado Roma, su’aasha ugu horeysa ee Soomaalida kale ku waydiinayaan waa qabiilkaaga,” ayuu yiri Hamza. “Markii aan qabiilkayga u sheegay qofkii I caawinayay wuu iga dhuuntay. Waxaan dareemay sida qabyaaladu u saamaysay Soomaalida qurbaha.”
Hamza aragtidii uu ka qabay Yurub iyo xaqiiqada uu la kulmay waa kala duwanyihiin. Waxa uu la yaabay kala duwanaanshaha dadka ee xaga diinta, dhaqanka iyo luuqada. “Waxaan magangalyo ka dalbaday Sweden balse ma aysan noqon sidaan filayay.” Ayuu yiri Hamza. “Waxaan rajaynayay in aan helo nolol fiican sida janada balse sidaas ma ahan.”